Maamulka puntalan Oo Hub Ka Dhigis Ka Bilaabayso Galkacyo

0

Puntland ayaa sheegtay in magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho inay ka bilaabeyso hawlgal hub ka dhigis ah, kaasi oo ay sameynayaan Ciidanka isku dhafka ah ee magaaladaasi ka hawlgala.

Gudddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahaasi hada uu diyaar yahay dhawaana lagu dhaqaaqi doono.

Wuxuu sheegay in Saddex bilood gudahood magaaladan aanan lagu arki doonin Qof iska wata isaga oo aan aheyn askari sidoo kalena aanan u diiwaangashaneyn Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala magaaladaasi.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si ay u hirgasho hawlgalkan cusub ee maalmaha soo socda bilaabanaya.

Magaalada Gaalkacyo dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo ay ku daateen dhiig badan, balse hada magaalada waxa ay tahay mid ka caagan dagaal.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here