Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray kooxaha Buracadda ee Isbaarooyinka dhigta deegaanada gobolkaasi.

Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay ula dagaalami doonaan Al Shabaab iyo Burcaddaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

Sikastaaba ha ahate waxa soo badanayaa maalmihii u danabeesay isbaarooyin la dhigto jidadka u dhaxeeyey wanla weyn iyo afgooyo waxayna taasi cabsi badna ku abuurtay dadka ku safra jidkaas iyo gadiidleyda waxana la filayaa in Gudoomiyaha Shabelada Hoose oo arinkaas talaabo ka qaadi doono sida u sheegay gudoomiyaha

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here