Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Si Kulul Uga Hadlay Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulkaas

0

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaannada Hirshabelle oo u dhintay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo Galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweyne Waare oo Ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle iyo Shacabkuba ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo Horumarinta Dowladda Hirshabelle,ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here