Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Degmo

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kaasoo bilo ka hor xilkaan loo magacaabay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa lagu magacaabay Qaasim Cali Nuur oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad, in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Balcad ee Maamulka Hir-shabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo aan wali la caleema saarin Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii bishii la soo dhaafay loo doortay xilka waxaa uu durba bilaabay xil ka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isagoo soo celiyay Guddoomiyihii hore Cali Jeyte Cusmaan.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII