Madaxweynaha Masar Oo Sheegay Inaysan Cidna Taaban Karin Saamiga Masar Ee Webiga Niil

Madaxweyne C/Fataax Al-sisi waxa uu markii labaad muddo dhowr maalmood gudaheed digniin u jeediyey Dowladda Ethiopia oo ku aadan Biyo-qeybsiga Webiga Niil.

Madaxweyne Al-sisi o oxalay ka hadlay Telefishinka dalkiisa ayaa sheegay inay xaqiijinayaan sidii ay Reer Masar ku heli lahaayeen Biyaha Webiga.
Waxa uu intaasi ku daray inuu fahamsan yahay Hadafka Horumarinta ee ka dambeeyey Biyo-xireenka weyn ee Ethiopa (The Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD).

Madaxweynaha Masar waxa kaloo sheegay inuu Kiiskaasi nolol iyo geeri ku yahay Masar, isagoo si cad u yiri: “ Ma jirto qof taaban kara saamiga Masar ee Biyaha Webiga Niil”.

Dowladda Masar ayaa ka soo horjeeda inay Dowladda Ethiopia jarto saamiga Biyaha Webiga ee ay Masar ka helaan Webiga Niil, iyadoo Ethiopia dhisayso Biy-xireenka ugu weyn ee Korantadda laga dhaliyo oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Dowladda Masar waxay toddobaadkii hore sheegtay in lagu guul-daraystay Kulan ay Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia ku doonayeen in lagu xaqiijiyo inuusan Biyo-xireenkaasi dhibaato u keeni doonin Masar iyo Sudan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII