Madaxweynaha Soomaaliland oo xilalkii ka qaaday Wasiiro iyo Safiiro

0

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa.

Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista dadkii bedeli lahaa mas’uuliyiinta uu xilalka ka qaaday.

Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal

Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaaran;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here