Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sawirka uu suray xafiiskiisa

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta uu xafiiska u surtay sawirka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Mudane Farmaajo ayaa sawirkiisa ku bedelay kan Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Allaha u naxariistee, waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan ay hadal hayeen, taas oo aheyd tallaabo ka duwan Madaxweynayaashii hore.

Fariin muuqaal ah oo la soo dhigay barta Facebooka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya, oo ku yimid hab dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay Afrika oo aan wali fahamsaneyn wax dimoqraadiyad la yiraahdo.

Labo cisho ka hor Barta Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la soo dhigay sawirka (Aadan Cadde) oo suran Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII