Madaxweyne Farmaajo oo Safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Masar

0

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho,iyagoo kusii jeeda dalka Masar.

Wafdiga la socdo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda,isla markaana waxaa Garoonka ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safarka uu Madaxweynaha ugu ambabaxay Magaalada Qaarira ee dalka Masar Villa Somalia weli wax faah faahin kama bixin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Qaahira ee dalka Masar,isagoona shalay kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Dr. Mustafa Madbuli.

Sidoo kale Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaraadda Afrika, Abubakar Xafni iyo Danjiraha Somalia u jooga dalkaasi, C/qani Maxamed Wacays.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here