Madaxweyne Shaakir”Maamul Goboleedyada Iyo Itoobiya Anaga Ayaa Ka Difaacna Shabaab”

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa sheegay in dagaalkii Gobolada qaar looga saaray Al-Shabaab ay doorweyn ku lahaayeen taas oo keentay in uu amni noqdo deegaanada ay maamulaan.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolada Dhexe gaar ahaan deegaanada Ahlusuna aan waqtigaan laga helin cid ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in deegaano badan oo ku dhow dhow Gobolada Ahlusuna ay maamusho ay difaac u yihiin.

“Waxaan idiin sheegayaa in gobolada iyo Maamulda ku teedsan deegaanada Gobolada dhexe iyo dowladda Itoobiya hadii aysan jiri laheyn Ahlusuna in ay Al-Shabaab geli lahaayeen balse aan ka difaacnay anaga ayuu yiri Madaxweyne Shaakir.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay munaasabad ay heshiis shalay gelinkii dambe ku kala saxiixdeen Maamulka Galmudug madax ka socotay..

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII