Madaxweyne Waare oo Magacaabaya Golle Wasiiro oo Aysan Xubno Ka Ahayn Xildhibaanada

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada.

Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar waxaana la sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanadda ku wargaliyay in Golaha wasiiradda uu soo dhisi doono aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay noqon doonaan Golle wasiiro oo tayo wanaagsan.

Maxamuud Wabar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorshaha Golaha wasiiradda uu kusoo dhisi doono uu noqon doono mid ka badalan qaabkii hore.

Madaxweynahii Hore ee Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa magacaabay Golle wasiiro oo ka yimid Baarlamaanka Hir-shabelle tiro ahaana gaaraya 33-xildhibaan.

Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa lagu  bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII