Magacyada: Guddoomiyayaasha cusub ee qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

0

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isku shaandheyn iyo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyayaasha qaar ayaa la beddelay halka kuwo kale loo wareejiyay degmooyin kale ama degmooyinka look ala beddelay.

Tusaale Degmada Dharkenley waxaa laga qaaday C/Raxmaan Sayid Cali,waxaana loo wareejiyay Degmada Shibis, halka degmada Dharkenley loo magacaabay Abuukar Axmed oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyihii hore ee Shibbis Safiya Xasan Cali.

Degmada Wadajir waxaa lo magacaabay C/Raxmaan Cali, halka Sabaax Cabdullahi Asad,waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/Casiis.

Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan,horay waxaa uu u ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaas.

Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar, waxaa lagu Badalay Gudoomiyaha cusub Mustaf Cali Khayre

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here