Maleeshiyo Beeleed hubeysan oo ku dagaalamaya deegaan ka tirsan degmada Cadale

0

 

 

 

 

 

Wararka ka imanaya degmada Cadale ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka dhex qarxay labo maleeshiyo beeleed iyadoo dagaalkana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday deegaanka Burdheere waxaana wararku ay sheegayaan inuu jiro qasaare ka dhashay iskahorimaadkan.

Labada maleeshiyo beeleed oo ay hore ugu dhex jireen ciidamada milatariga ayaa wararku sheegayaan in ay ciidamada milatariga isaga baxeen halkaas kadib markii uu dagaalku bilowday.

Dagaalka ayaa salka ku haya lahaanshaha dhul iyadoo hore dhowr jeer maleeshiyaadka labada beelood ay ku dagaalameen deegaankaas.

Maamulka gobolka Sh/dhexe hore ayaa dhowr jeer isugu dayay inuu heshiis kala dhex dhigo labada beelood iyadoo kulamo lagu kala qabtay magaalada Jowhar iyo degmada Cadale.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here