Mareykanka iyo Iiraan oo loogu baaqay inay wada hadlaan

0

 

 

 

 

 

 

 

Madaxa Guddiga Amniga Qraanka iyo Siyaasadda Dibedda ee dalka Iiraan, Hashmatullaahi Falaxaat Bihse ayaa ugu baaqay Dowladaha Maraykanka iyo Iitaan inay wada-xaajood ku yeeshaan dalka Iraq ama Qatar, si loo qaboojiyo xiisadda taagan, xilli ay Milliteriga Maraykanka dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Gacanka Crabeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Labada dhinac waajib ku tahay inay ku waada hadlaan Iraq ama Qatar, si loo soo af-jaro Xiisadda Colaaadeed.

Baaqiisa ayaa yimid, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump debciyey xiisaddaasi, isagoo sheegay inuusan rajaeynaynin inay dagaal la galaan Iiraan.

Donald Trump waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in ay Iiraan wada galaan Heshiis cusub oo la xiriira Barnaamijyadda Nukliyeerka iyo Gantaalladda iyo Taageeradda Milliteri ee ay Iiraan ka wadaan dalalka Iraq, Syria iyo Yemen.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here