Midowga Afrika oo rajo wanaagsan ka muujiyey qabsoomidda Doorashadda Somalia ee 2020-ka

0

Ergayga Khaaska ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa saadaaliyey inay si habsami leh u dhici doonto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu wado inay dhacdo 4 sanno kadib.

Ergayga oo la hadlayey Suxufiyiin ka kala socday Dalalka ay Ciiddanka AMISOM ka joogaan Somalia, waxa uu tilmaamay inay DFS qorsheysay inay Doorashadda Labaad ee sannadka 2020-ka, isla markaana uu diyaar-garowgu horey u bilowday.

Ambassador Francesco Madeira waxa uu soo hadal-qaaday Dooraashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Doorashadaasi ku dhacday rabshad la’aan, waa sida uu hadalka u dhigay

Ergaygu waxa uu rajo ka muujiyey Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, inkastoo uu qiray inay muddo qaadan doono Dib-u-soo-celinta Nabadda.

Mar wax laga weydiiyey Dagaalka 11-ka sanno jirsaday ee AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu tilmaamay in Deegaanadii ay Alshabaab kala wareegeen ka hirgeliyeen mashaariic isugu jira Dugsiyo, Xarumo Caafimaad iyo Saldhigyo Bolis waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay in qaar ka mid ah Madaxda Alshabaab bilaabeen inay iyaga iyo hubkooda isku soo dhiibaan DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalkii AMISOM ee ay kula jireen Alshabaab ayaa la sheegay inuu gaabis ku yimid labadii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira iyagoon haysan Qalab ay kaga badbaadi karaan miinooyinka iyo Qaraxyadda ay Alshabaab had iyo jeer ku aasaan Marinadda Askarta AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here