Midowga Yurub Oo Balan Qaaday In Uu Laba Jibaari Doono Dhaqaalaha Soomaaliya Uu Ku Bixiyo

0

Midowga Yurub oo ka mid ah Hay’adaha taageerada dhaqaale siiya Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaha banii’aadnimo ee Soomaaliya uu sanadkan2018 gaarsiiyay €89.5, kadib markii laga deyriyay xaalada bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Qoondada Soomaaliya loo kordhiyay ayaa waxaa kaloo qeyb ka ah dalka Jabuuti, sida ku cad warka ka soo baxay Midowga Yurub.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa wax looga qaban-doonnaa arrimaha barakacayaasha, abaaraha, lagu daaweyn-doonnaa nafaqo-darida, in biyo nadiif ah la helo, xoolaha la daaweeyo iyo dadka dagaallada wax ka soo gaareen.

€500,000 ayaa la siin-doonnaa dalka Djibouti si loo taageero qaxootiga halkaas ku nool, kuwaas oo ka soo qaxay dalalka Yemen, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea,
Warbixinta Midowga Yurub ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in kordhinta daqliga ay wax badan ka bedeli doonto arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya, oo hada mareysa meel liidata.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here