Milatariga Australia oo door ku yeelanaya dagaalka argagixisada gudaha

Ra'iisalwasaaraha Australia, Malcolm Turnbull
Ra’iisalwasaaraha Australia, Malcolm Turnbull

Milatariga dalka Australia ayaa la siinayaa awoodo dheeraad ah kuwaas oo u ogolaandoona in ay door ku yeeshaan ka qaybqaadashada falalka argagixisada ee dalka gudahiisa ka dhaca.

Isbadalkan lagu sameeyay shuruucda ammaanka ayaa ka dhashay dhaleecaynno loo soo jeediyay booliiska kuwaas oo ku aadanaa in aysan si degdeg ah wax uga qabanin weerarkii ay dadku ku dhinteen ee ka dhacay makhaayadda magaalada Sydney sannadkii 2014kii.

Isbadalkan cusub ayaa ogolaanaya in milatariga durba loo yeerikaro si ay u caawiyaan booliiska marka ay halis argagixiso wax ka qabanayaan.

Sharciga hadda jira ayaa booliiska u ogolaanaya in ay milatariga wacdaan marka ay xaaladdu gaarto meel aysan iyagu waxba ka qaban karin oo kali ah.

Heshiiskan cusub wuxuu sidoo kale ogolaanayaa in milatarigu ay tababarro khaas ah siiyaan booliiska.

Ra’iisalwasaaraha Australia, Malcolm Turnbull oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay “in uu meesha ka saarayo cabaqada dhexyeela wada shaqaynta booliiska iyo milatariga.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII