Milliteriga Suudaan iyo Mucaaradka oo ku heshiiyey xilliga Kala-guurka

0

 

 

 

 

 

 

Hoggaamiyayaasha Milliteriga ee talada dalkaasi la wareegay bishii hore waxay Kooxaha Mucaaradka kula heshiiyeen 3-sanno oo Xilliga Kala-guurka ah, si Dowlad Rayid loogu wareejiyo Maamulka dalkaasi.

Jeneral Yaasir Al-atta oo ka tirsan Golaha Milliteriga ee TMC oo saakayto Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Khartuum ayaa sheegay inay labada dhinac Heshiis Kama-dambays ah ka gaareen Awood-qeybsiga, oo ay ku jirto Qaabaynta Maamulka soo socda ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in muddada Xilliga Kala-guurka la dhisi doono Barlamaan ka kooban 300 oo xubnooda, iyadoo 67% ay ka imaan doonaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Ibedelka, halka 33% ka kala imaan doonaan Kooxaha kale ee Siyaasadda.

6-da bilood ee ugu horreysay ee Xilliga Kala-guurka waxaa heshiis nabadeed lala saxiixan doonaan Jabhadaha hubeysan ee ku sugan Deegaanadda ay colaaduhu ka socdaan ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Madani Cabaas Madani oo u hadlay Mucaaradka ayaa sheegay inay Golaha haya Tlaada Suudaan dhisi doonaan Guddi baaritaano ku sameeya weeraradii loo geystay Dibadbaxayaasha.

Golaha Milliteriga ee TMC waxaa Madax ka ah Jeneral C/faataax Al-burhaan, kaasi oo la wareegay Talada dalkaasi, kadib, markii Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir talada laga tuuray bishii April 11-dii ee sannadkan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here