Mudo 30 sano ah Kadib Waxay dowlada Soomaaliya Howlgalisay Ciidamo Roondeeyo Jidadka iyo Xaafaha Muqdishu.

Waa marki ugu horeesay mudo 30 sano ah kadib in dowlad Soomaaliyeed sameeyso Ciidamo Roondo ah waxaa caawa magaalada muqdishu laga hirgaliyey Ciidama Roonda ah oo ku socda hareeraha laamiyada waa weyn Maka almukarama iyo Wadnaha.

Ciidanka Roondada ayaa iskugu jira Ciidamada Booliska iyo Xasilinta waxayna lugeenayeen Wadooyinka Magaalada Muqdishu halboolaha u ah waxaana horey u balan qaaday in ciidamadaan la sameeyo RW Xasan Cali Khayre asigoo ka hadlay Shir ay iskugu yimaadeyn Golaha amniga wuxuuna yiri.

wa in mudo 90 cisho ah Muqdishu laga dhigaa nabad ama la keenaa dadka ay ka dagi la’dahay Magaaladaan sidoo kale wa in dhaaman Hay’addaha amniga dib u howlgilayaan Ciidamadi Roonada aha ee lasocon karo dhaq dhaq kuwo habeenki falalka aragagxisada ah fuliya.

Hadalka RW Xasan Cali Khayre ayaa caawa laga dareemaya Magalada waxaana arkeysaa Ciidamo Rax raxan ah oo laamiyada wareegaya ayagoo ilaalinaaya wixi carqalad iyo amni xumi wada waxayna tani ka mid tahay horumar weyn ee ku tilaabsatay dowladaan cusub ee hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Sikastaba ha noqote  Amniga caasimada ayee wax badan ka badali doonta si loo ogaado dhibaatada meelaha ay ka jirto mar hadii la aas aasay Ciidamo Roondeeyo habeenki magalada waana 30 sano kadib in Ciidaan nuucaan dib looga holgaliyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII