Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koofur Africa.

0

 

 

 

 

 

Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Africa ayaa ku soo warramaya in Magaalada Durban ee dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed islamarkaana Ganacsato kale lagu weeraray Magaaladaasi.

Waxaana jira Khasaarooyin kale oo isugu jira dhaawac iyo dab la qabadsiiyay Dukaamo Soomaalidu ku yihiin Magaalada Durban ee dalka Koofur Africa.

Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa Maxamed Cumar Talyaani oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in muddooyinkii dambe laga nastay weerarada ka dhanka ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka nool dalka Koofu Africa balse haatan walaac xoogan ay ku beertay weeraradaan cusub.

Koofur Africa ayaa waxaa ku sugan Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo Ganacsiyo kala duwan ka sameystay dalkaas.

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here