Swellendam (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey C/qaadir James Rabi ha u naxariistee.

Marxuum Abdulkadir Jeemis waxaa lagu dilay Swellendam oo ah Magaalo Qiyaastii 225km u jirta Cape Town halkaasuu  uu Ganacsi ku lahaa.

Advertisement

Sidoo kale Marxuum C/qaadir Jeemis Rabi ha u naxariistee waxaa la soo sheegayaa in 20-sano uu ku noolaa Koonfur Afrika islamarkaana uu  Guryo iyo Ganacsiba  ku lahaa, waxaana ugu danbeyn Xalay dileen Burcad hubeysan.

Warar kale oo laga helaayo asxaabtiisa ayaa sheegaya in Marxuumka bilihii danbe uu hanjabaayo kala kulmaayay burcad ka rabtay lacago baad ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person and text

 

Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay inay Canshuur weydiiyeen Dugsiyada Quraanka iyo Masaajida
Next articleMadaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Bacaadweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here