Ninkii Dilay Askariga AMISOM oo la sheegay inuu Shabaab u galay

 Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in NInkii Maalmo ka hor Magaalada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan ku Ku Toogtay Askarigii ka tirsanaa Ciidamada AMISOM Faraca Jabuuti uu gaaray Magaalada Halgan oo ay Shabaab Maamulaan.

Arrintaan ayaa Su’aalo kala keentay,iyadoo Magaalada Buula-barde ay ka jirto Xiisad ka dhalatay Arrintaas.

Shalay Magaalada Buula-barde waxaa gaaray Wafdi ka socda Hirshebelle oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble iyo Saraakiil ka socda Ciidamada AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana ay u tageen in ay qaboojiyaan Xiisadda Taagan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabellee ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Ninka Dilay Askariga AMISOM uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Ee ku sugan Buula-barde,balse weli waxaa socda Baaritaan la Xariira Dilka Askariga AMISOM.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII