Odayaasha Dhaqanka Ee ka Soo Jeeda Jubalaand Ayaa dalbadeyn ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Shabaab

0

 

 

 

 

Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu kulan ku dhexmaray Odeyaasha dhaqanka degmada Afmadow iyo wasiirada qaybta ka ahaa wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ee maal mahan kusugnaa degmadaas.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Odeyaasha dhaqanka ay ugu qayb qaadan lahaayeen horumarka degmada afmadow iyo ka shaqaynta is-dhaxgalka bulshada.

Sidii loo taageeri lahaa howlgalada xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka dhexmaray madax dhaqameedka degmada Afmadow iyo wafdiga wasiirada ah ee katirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Odeyaasha dhaqanka degmada Afmadow ayaa Dowlad-goboleedka Jubbaland ku ammaanay dedaalada lagu xoreynaayo deegaanada ay weli Al shabaab Gacanta ku hayaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Jubbaland Cabdirshiid Jire Qalinle ayaa madasha ka ballan qaaday in wasaarada maaliyadda Jubbaland ay dhowaan degmada Afmadow ka hirgelin doonto xafiis loogu talagalay qaadista canshuuraadka degmada kaasi oo dhowaan wasaaradda Maaliyada qorsheynayso in ay shaqaale cusub u diiwaan geliso.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay marwalba dadka ku baraarujiyaan ka qayb qaadashada horumarka islamarkaana ay ka qayb qaataan howlgalada lagu xoraynaayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here