Puntland oo adkeyneysa ammaanka Degaanadeeda

Maamulka Puntland ayaa sheegay in si weyn loo adkeynayo ammaanka Deganaanada Puntland inta lagu guda jiro qaadista Imtixaanka mideysan ee Dugsiga Sare.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbasrahada Maamulka Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Sahal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen qaadista Imtixiaanka.

Waxa uu sheegay in si aad ah loo adkeynayo ammaanka Degaanada Puntland gaar ahaan goobaha waxbarahada inta lagu guda jiro Imtixaanka mideysan.

Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 99 kormeerayaal, 130 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, wuxuuna ka dhacayaa 84 xarumood.

Waa sanadkii Labaad oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaado Imtixaanka mideysan tan iyo burburkii kadib.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII