Puntland oo lagu eedeeyay in ay wax ka ogtahay Kalluumeysiga Sharci darada ah

Agaasimihii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa sheegay in ay jiraan Maraakiib badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysata Xeebaha degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in Maraakiibtaasi ay Sharciyo siiyeen Wasaarado ka tirsan maamulka Puntland , iyadoo aysan ogeyn dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Maraakiib laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi oo Wata Magaca Soomaaliya in ay xeebaha Puntland ay ku hayaan Kalluumeysi Sharci daro ah , islamarkaana maamulka Puntland ogyihiin Arintaasi.

Agaasimaha ayaa sheegay in Kooxaha Burcadbadeed ay Suurta gal tahay in ay dib u soo laabtaan Madaama Dhibaato badan lagu haayo Kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII