Qarax Lala Eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda duleedka Muqdisho

0

 

 

 

 

 

 

 

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi baqanimadii Maanta qarax lagula eegtay Gaari ay ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay,waxaana lala eegtay Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen Ciidanka dowladda xili uu marayay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacada Dayniile ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho oo soo gaaray Ciidankii gaarigaas la socday,waxaana intaasi xigay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamo kale oo joogay Nawaaxiga goobta uu falka ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidanka qaraxa lala eegtay ay ka yimideen dhinaca Magaalada Muqdisho,isla markaana ay kusii jeedeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here