Qaxooti kasoo qaxay Cameroon oo gaaray Neejeeriya

Qaxooti kor u dhaafaya 7000 oo qof ayaa mar hore laga diiwaangaliyay dalka NigeriaQaxooti kor u dhaafaya 7000 oo qof ayaa mar hore laga diiwaangaliyay dalka Nigeria

In ka badan 15,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka soo qaxay waddanka Cameroon ayaa tan iyo bishii Nofeembar waxa ay gaareen waddanka Nigeria, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta Nigeria.

Sanadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii iskudhacyo u dhaxeeya dowladda ay ku xooggan yihiin dadka ku hadla Af Faransiiska iyo dibadbaxayaal ka soo jeeda gobollada loogaga hadlo Afka Ingiriirsiga.

Qaxooti kasoo qulqulaya waddanka Cameroon ayaa maalin kasta soo gaaraya dalka Nigeria, gaar ahaan magaalooyinka ku dhawdhaw xuduuda sida uu sheegay afhayeenka hay’adda Qaramada Midoobay.

Dadka haatan soo gaaray Nigeria waxaa u badan dumar iyo caruur , kuwaasi oo intooda badan ah kuwa ku hadla Af Ingiriisiga.

In ka badan shan iyo toban kun oo qof ayaa la diiwaan galiyay, balse qaar ayaa sugaya diiwaan galinta.

Hay’dda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku howlan sidii dowladda Nigeri ay ugu asteyn lahayd dhul laga sameeyo xerooyin oo dadkaasi soo barakacay la dejiyo.

Dadkaan ayaa kasoo cararaya tacadiyo lagu hayo bulshada ku hadasha Af Ingiriirsiga ee dalka Cameroon.

Kaddib markii dibadbaxyo looga soo hojeeday dowladda oo looga cabanayay in xukuumadda ay ka taliyaan dadka ku hadlay Af Faransiiska ay hareeyeen dalkaasi sanadkii lasoo dhaafay.

Toddobaadkii lasoo dhaafay sirdoonka Nigeria oo la shaqeynayay shaqaale ka socdya Cameroon ayaa xirtay hoggaamiyaha u ololeysa gooni-u goosadka ee dalka Cameroon , xilli uu shirk u qabnayay caasimadda Nigeria.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII