R.W Khayre oo Todobaadkiiba Laba jeer la xisaabtamaya Wasiiradiisa

 Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla xisaabtan la yeelanaya Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay maalmaha Sabtida iyo Axada ee Todobaad walba in R/wasaaraha uu mid mid ula fariisanayo Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirada ka dhageysanaya waxa ay qabteen iyo howlaha horyaala Todobaadkaas.

Ujeedka laga leeyahay qorshahan ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa howlaha laga rabo Xukuumada Soomaaliya, shacabkana ay ugu qancaan shaqada Dowladda ay heyso.

Mudane Khayre ayaa horey u sheegay xukuumadiisa in ay hal ku dhig u tahay in la isla xisaabtamo, taasi oo noqoneysa shaqo ku dhisan isla xisaabtan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII