R.W Ku xigeenka “Qorshaha Amniga Caasimadda ayaan diyaarinay”

Image result for Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Ra’iisul Wasaare ayaa sheegay Dowladda Federaalka in mudo kooban ay ku diyaarisay Qorshaha Amniga Qaranka Qorshaha Amniga Caasimadda, taasi oo loogu tala galay in lagu xasiliyo Amniga.

Waxa uu sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay soo sheegaan Qofka sameynaya waxyaabaha lidiga ku ah Amniga, si loo gaaro nabad iyo Amni loo dhan yahay.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay Amniga in keliya aysan sugi karin Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda, lana ogaado in Qof walba Amniga uu masuuliyad ka saaran yahay.

Magaalada Muqdisho mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaasi oo loo geysto Askarta iyo Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana Hay’adaha ammaanka ay wadaan dadaalo looga hortagayo falalka Amni daro ee ka dhaca Muqdisho.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII