Ra iisal Wasaare XasanCali Kheyre oo si diiran loogu soo dhawaweeyey xarunta Gashaandhiga ee dalka Mareykanka., Daawo sawurada

Ra iisal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) oo ku taalla magaalada Washington.

Wafdiga raisul wasaaraha ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey ku-xigeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Patrick Shanahan iyo saraakiil sare oo ka tirsan Pentagonka.

Raisul wasaare Khayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka, waxaana halkaas laga garaacay muusikada astaanta u ah labada dal.

Intaa ka dib wafdiga raisul Wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga dowlada federaalka Somalia ayaa waxay kulamo kula qaateen halkaas saraakiil Maraykan ah oo uu horkacayey ku-xigeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Patrick Shanahan.

Warar ku dhow dhow wafdiga Raisul wasaaraha ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha Somalia, sidoo kale waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Somalia gaar ahaan dhinacyada qalabeynta iyo tababarada.

Kulankan oo muddo saacado ah socday ayaa ku soo dhamaaday guul iyo isfagarad sida ay allbanaadir.com u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wafdiga raisul wasaaraha ee booqashada ku jooga wadanka Maraykanka.






Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII