Rag hubeysan oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa maqribnimadii caawa waxa ay dileen nin halkaasi ku sugnaa.

Ragga dilka geystay oo laba dhalinyaro ahaa ayaa dilka kadib u baxsaday dhanka suuqa iyaga oo isku dhexqariyay dadka shacabka ah sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Laba askari oo ka tirsan ciidanka Millatariga ayaa rasaaseeyay raggii dilka geystay, balse ma aanu suuragalin in gacanta lagu dhigo.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan ninka la dilay inuu ka mid ahaa dadka rari jiray gaadiidka dadweynaha ee halkaasi dadka ka qaada.

Waxay kaloo sheegayaan wararka aan helnay in rag kale ay muuqaal ka duubeen ninka la dilay, kuwaasi oo iyaguna goobta ka cararay.

Shalay oo ugu dambeysay ayaa suuq weynaha degmada Kaaraan waxa ay koox hubeysan ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here