Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Tacsi u direy Ehellada Askartii ku geeriyootay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, cambaareeyeyna falkaas argagixiso

Muqdisho, December 14, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayay falkii argagixiso oo saakay ruux naftii halige ah uu ku qaaday xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye. Waxuuna Weerarkaas ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed 
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
ahmednur@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII