Ra’iisul Wasaare Kheyre “Safarkii aan ku tegay Kismaayo waxa uu ahaa mid mira dhal ah”

0

 

 

 

 

 

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo todobaadkaan ku sugnaa Magalada Kismaayo.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaare kheyre, Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Jubbaland, Wasiirada Heer federaal iyo kuwa Maamulka Jubbaland, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay Kismaayo uu ahaa mid mira-dhal ah,isla markaana uu balan qaadayo inay wadashaqeyn doonaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland wax walbana la dhameyn doono.

Dhinaca kale Madaxweynah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in la dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana dhawaan uu tagayo Magaalada Muqdisho,sidoo kalena uu la kulmayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Odayaasha Dhaqanka Jubbaland ee munaasabada ka qeyb galay ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen xalinta khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,waxaana ay ka codsadeen inay si wanaagsan u wada-shaqeeyaan.

Si kastaba  Waxa dhinaca kale uu tilmaamay in Madaxweynaha Jubaland uu safar ku tegi doono magalada Muqdisho lana kulmi doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaayo taas oo u muuqata in weli ay yihiin qodobada qaar Maanta oo Jimcaha ah gelinka dambe  sido kale waxa  la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inay dib ugu soo laabtaan Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here