Riyadaydii ahayd in aan sameeyo diyaarad guuxeeda ka dheereysa oo ii rumowday

Diyaarad rayid ah oo guuxeeda ka dheereysaDiyaarad rayid ah oo guuxeeda ka dheereysa

Blake Scholl markii uu caruurta ahaa waxa uu aad u jeclaa waxyaabaha duula, misane xawaaraha sare ku socda, waxayna u egtahay in riyadaasi maanta u rumoowday.

Hadda waxa uu ku suganyahay carwada duulimaadyada ee Dubai halkaas oo uu doonayo in uu maalgalin u helo shirkadiisa samaynaysa diyaaradaha guuxooda ka dheereeya.

Shirkadiisa Boom ee fadhigeedu yahay magaalada Denver ayaa waxaa hadda la yaala 76 dalab oo diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ah, wuxuuna wadahadal u socdaa illaa 20 shirkadooda oo kale.

“Waxaan xusuustaa sanadkii 2007-dii in aan ka fikiray in markii lasoo saaray IPhone-ka in adduunka uu xawaare ku socdo, balse diyaaradaha waxa ay wali joogaan halkii ay joogeen sanadkii 1950-kii” ayuu yiri Scholl.

Gudaha diyaaradda BoomGudaha diyaaradda

Wuxuu intaas ku daray in markii uu cilmi baaris ku sameeyay in uu ogaaday in wax badan ay suurtogal yihiin.

Shirkadaha Emirates iyo Qatar Airways oo ah kuwa maalgalin farobadan ku bixiya sidii ay adeeggooda u tayayn lahaayeen ayaa bartilmaameed u ah Scholl.

Diyaaradda ugu horeysa ee guuxeeda ka dheereysa ayaa lasoo saari doonaa sanadka 2023-da.

Diyaaradan ayaa noqonaysa mid xawaaraheeda uu aad u dheereeyo, waxaana ku rakiban 55 kursi, qorshuhuna waxa uu yahay in halkii tigid uu qiimihiisa noqdo $5,000.

Waxyaabaha kale ee diyaaradan ay kuwa kale kaga duwanaan doonto ayaa waxaa ka mid ah in xiinkeeda uu aad u yar.

Warshadda BoomWarshadda Boom

Scholl waxa uu xitaa aaminsanyahay in wax laga qaban karo dhanka xajmiga diyaaradda, lagana yareyn karo sida ay hadda diyaaradaha baaxad ahaan dhanyihiin, taasna ay wax weyn soo kordhin karto.

Dhibka ugu weyn ee hadda haysta ayaa ah in diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ay hadda mamnuuc ka yihiin hawada Maraykanka.

Waxaa inta baddan diyaaradahan hadda loo isticmaalo arrimo militari iyo cilmi baaris, waxayna noqonaysaa markii koowaad oo arrimo rayid loo isticmaalo. Marka laga reebo diyaaradihii hadda shaqada joojiyay ee Concorde ee British Airways iyo French Airlines, kuwaas kaliya ay raaci jireen dadka tujaarta ah maadaamaa qiimaha lagu raaco ay 30% ka badnaayeen qiimaha caadiga ah.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII