Robert Mugabe Oo La Sheegay Inuu Diiday Inuu Wax Cuno

Madaxweynaha Zimbabwe ee Kacdoonku ku socdo ayaa la sheegay inuu diiday inuu wax cuno, isagoo ka soo horjeedo Xabsiga Guriga uu ku jiro.

Sarkaal ka tirsan Xisbiga haya Talada dalkaasi ee ZANU PF ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Mugaabe diiday inuu wax cuno tan iyo shalay, kadib, markii lagu wargeliyey in si rasmi ahaan looga qaaday Xafiiska.

Wasiir ka tirsan Xisbiga ZANU PF ayaa sheegay inuu Madaxweynaha 93-jirka uu isku tijaabinayo Khiyaano kala duwan ilaa habeen hore, waxa uu galay cunto-diidid, inuu hadlo, wuxuuna mararka qaarkood ku dhawaaqaya Cabsi-gelin.

Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee Xisbiga ZANU PF ayaa maanta kulan ku leh magaalladad Harare, iyadoo doonaya inay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga ZANU PF ka qaadaan Madaxweyne Mugaabe.

Emerson Mnangagwa ayaa laga dhigay G/Xigeenka Xisbigaasi, wuxuuna Hoggaanka dalkaasi sii hayn doona ilaa ay Doorashadad ka dhici doonto sannadka soo socda.

 

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII