Sabtiga Dalku Wuxuu Gali Doonaa Xaalad Dagaal

Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqday in wixi ka danbeeya Sabtida birrito ah uu dalka geli doono xaalad dagaal.

Arrintan ayaa loo arkaa mid ay Dowlada uga jawaabi doonto qarraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee 14-ki bishaan October lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bari oo Sabti ah ku dhawaaqi doono in dalka uu gali doono Xaalad Dagaaal, hortagi doonana Labada Aqal ee Baarlamaanka si uu ugu wargaliyo Xaalada uu Dalka Gali doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeero xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada uu dalka wajihi doono.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII