Saldhigga ugu weyn Ciidanka Booliska Galmudug oo la dhisaayo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo wasiirka amniga maamulkaasi.

Waxa ay isla soo qaadeen, inta uu kulanka socday amniga guud ee degaanada Galmudug, iyo sidii degaano ka tirsan Gobolka Mudug looga saari lahaa Al-Shabaab.

Madaxweyne Xaaf ayaa Ciidamada Daraawiishta Galmudug, faray in ay u diyaar garoobaan sidii dib loogu soo celin lahaa degaanada ay shabaab ka haystaan Galmudug.

Waxa uu sheegay in laga maarmaan tahay in laga hortago waxyaabhaha keeni kara amnidarro, isla markaana uu bilaabanayo dagaal Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug, waxaana uu sheegay in dhawaan magaalada Dhuusamareeb laga furi doono Saldhigga ugu weyn Booliska Galmudug.

Kulanka uu Madaxweyne Xaaf la qaatay Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa kusoo aadaya xilli Maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in Al Shabab ay gacanta ku hayaan qeybo kamida Gobolka Mudug, iyo deegaano iyo ka degmooyinka ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here