Sawiro Qaraxi ka dhacay Degmada Warta-Nabada

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir,waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa lagu weeraray Xarunta, xilligaas oo dad Barakacayaal ah deeq kala duwan loogu qeybinayay,sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa goobta tegay,waxaana sidoo kale gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Doowladda Soomaaliya,kuwaas oo dadka u diidaya inay tagaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Xarunta Degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ay dhowr tallaabo u jirtaa Madaxtooyada.

Weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here