Senator Faroole,Oo Iska Casilay Xubinimada Guddiga Wadajirka Ee Dastuurka

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Xubnaha Aqalka sare,waxana inta uu kulanka socday halkaasi lagu Akhriyay Warqad iscasilaad ah oo uu soo gudbiyay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Warqadaan ayaa ku qornaa in Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole,uu iskacasilay Xubinimada Guddiga wadajirka ee Dastuurka labada aqal oo uu ka mid ahaa.

Dhawaan ayaa waxaa Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guddiga dastuurka labada Aqal,isaga oo kula tartamay Cabdi Qeybdiid oo xilkaan kaga guuleestay.

 

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi,ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare ku wargeliyay in la buuxin doono booskii uu baneeyay Faroole,in kastoo xiliga Warqada la akrinayay uu Goobta ka maqnaa.

Guddigaan ayaa laga soo kala xulay mid 5 Xubnood oo ka kala socda labada Aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII