Shabaab oo soo bandhigay Ciidamo ay sheegeen inay ka goosteen dowladda Somaaliya

0

 

 

 

Al-Shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo bandhigeen Ciidamo iyo hubkooda,kuwaas oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa gaaraya ilaa 5 askari,kuwaas oo wata 5 Qori oo AK47 ah,waxaana Shabaab ay sheegeen inay ka howlgeli jireen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Sida lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa Goobta lagu soo bandhigaya askartaas la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugnaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here