Shabaab oo weeraray Mahadaay

 

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa subaxnimadii saakay weerar gaadmo ah ku qaaday Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,

masuuliyiinta Degmada/

Shabaabka weerarka qaaday oo ahaa tiro cayiman sida maamulka ay sheegeen ayaa waxa ay beegsadeen Ciidamo ku sugnaa Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo xilligaas ku mashquulsanaa qaadista lacagaha Canshuuraha.

Labada dhinac ayaa halkaasi waxa ku dhexmaray Dagaal kooban, kaasi oo dadka degaanka ku yeeshay saameyn la xiriirta cabsi iyo walwal, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Maamulka degmada Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay la kulmeen iska caabin kaga timid Ciidamada, iyada oo sidoo kale masuuliyiinta ay sheegeen in weerarkan Ciidamada Dowladda uu kaga dhintay Hal Askari.

Waxay kaloo maamulka sheegeen in Ciidamada Dowladda ay ku baxeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxayna shacabka ka dalbadeen in ay gacan siiyaan Ciidamada had iyo jeer u soo jeeda difaacidooda.

Warar kale oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in weerarkan ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo xilligii dagaalku dhacayay goobta ku sugnaa iyo dadka qaarkood oo Rasaasta ay ugu tagtay guryahooda.

Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay ayaa hada ku soo laabtay sidii caadiga aheyd, maadaama markii Dagaalka uu ku bilowday dadku ay noqdeen kuwo cararay iyo kuwo isku soo xiray goobohooda ganacsi.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen Hal Askari, kadibna ay qaateen qoriga iyo Booshashkii uu watay Askarigaasi, iyaga oo sidoo kale tilmaamay xubnihii iyaga ka tirsanaa ee weerarka qaaday in ay ka baxsadeen goobta

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII