Shacabka Muqdisho Oo Ugu Baaqay Maamullada Puntland Iyo Somaliland In Ay Joojiyaan Dagaalka Tukaraq.

Bisha barakeysan ee Ramadaan oo umadaha muslimiinta si gaar ah looga digay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha bishaan la xaaraantimeeyay ayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka sool weli waxaa ku daadanaya dhiiga dad badan oo saaimiin ah islamarkaana ay sabab u yihiin maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Shacabka ku nool magaaladan Muqdisho qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay si shuruud la,aan ah in loo joojiyo dagaalka islamarkaana aysan jirin wax faaiido ah oo laga dhaxlayo aan ka aheen in naf ay ku go,do.

Baaqa shacabka ku nool muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka u dhaxeeya maleeshiyada maamulada Puntland iyo Somaliland uu soo laab laabtay islamarkaana aysan jirin ilaa iyo haatan qorshe lagu baajinayo dhiiga daadanaya iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII