Shariif Xasan oo amray in la dayactiro saldhiga Afgooye

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa amar ku bixiyay in dib u dayactir lagu sameeyo goobaha muhiimka ah ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ka dalbaday in ay kordhiyaan Canshuuraha ay ka qaadaan shacabka Gobolka, si dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyo, meelaha muhiimka ah ee Gobolka, sida wadooyinka, iyo xarumaha Maamulka.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si gaar ah u dalbaday in dib u dhis lagu sameeyo saldhiga Ciidanka Booliska degmada Afgooye, oo howlo badan ay ka socdaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali (Najax) ayaa shalay kormeer ku tagay degmada Afgooye, wuxuuna sheegay in la dardar gelinayo canshuuraha si loo fuliyo amarka uu soo bixiyay Shariif Xasan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII