Shiikh Shaakir oo Raali geliyey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka  iyo Wafdigii la socdeyShiikh Shaakir oo Raali geliyey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka  iyo Wafdigii la socdey

Iyadoo Maalintii Shaley ahayd Magaaladda Dhuuso Mareeb Xabsi Guri la geliyey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka  ka dib markii ay ka timid magaalada Guri Ceel ayaa Dadaalo la sameeyey Goor Dhow la si daayey iyadoo Xubnihii kale ee la socdey .

Guddoomiyaha fulinta Galmudug Shiikh Shaakir Cali Xasan Halkii ay ku sugneyd ugu yimid ayaa  Kulan la qaatey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibraahim Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) waxaana Kulankaas la iskula soo qaadey  Dhacdadii  Xabsi Guri lagu Galiyey

“Hal askari oo dhib gaarsiiyey masuul Qaran waxay la mid tahay annagoo dhib na wada Gaarey” sidaa waxaa yiri Shiikh Shaakir Cali Xasan oo ah Gudoomiyaha Fulinta Galmudug  oo Raaligareyn weyn gaarsiiyey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran” oo intaas sii raaciyey

“Anigoo Wakiil ka ah Shacabka iyo Maamulka waxaa idiin soo Gudbinayaa Raali gareyn aad u sareysey waxaana ka Xumahay wixii idiin gaarey, waxaana Balan qaadayaa in uusan mar kale Dib u soo laaban wixii idin gaarey”

 

Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey oo Goobta raaligareynta ka hadshey ayaa u Mahadcelisey Dadaalka Shacabka iyo Maamulka ay ka sameeyaan wixii Dhacay sida Darteed waa Idiin ka qaatey raali Gareyntii

Waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxay magaalada Dhuusa Mareeb ku qaban doonaan Kulamadii la tashiga Ee ku saabsan Doorashooyinaka oo Maalmahaan Kulamadaas ay ka dhacayeen Gobolada iyo Degmooyinka Dalka

 wuxuuna Kulankii Dhex marey  Gudoomiyaha Fulinta Galmudug Ahna Gudoomiyaha Ahlu Sunna iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka   Soomaaliyeed wuxuu ku dhamaadey Jawi isfaham

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@homail.co.uk

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII