Siyaasi Cabdiramaan Cabdishakuur oo u fadwooday Hantida Dowlada ee la heysta ay hrysan karaan dadka Heysta

0

Mw Farmaajo sharciyada caalamka ee lagu maamulo dowladda ma rabo inuu raaco. Sidaas si la mida ayuu u xooray dastuurka dalka iyo qawaaniinta u degsan dalka oo madax badan iyo maskax badan la soo geliyey.

Sharciyada caalamku waxey qabaan cida ku nool guri ama gacanta ku haya hanti ma guurto ah mido ka badan 25 sano iney xaq u leedahay lahaanshaheeda oo ay tahay in milkiyadeeda lagu wareejiyo ama isaga looga iibiyo qiimo aad u jaban.

Dowladii militeriga oo kelitaliska ahayd waxey dhibaato u geysatey hantida shacabka, waxeyna daadisay dhiig badan oo aan xisaabtooda la soo koobi karin, hanti ay ka tagtay oo ay leedahayna ma jirto oo hantidii maguurtada ahayd waxaa la wareegey dowlad goboleedyadii iyo dowladihii dhexe ee ka dambeeyey.

Waxaa meel ka dhac ah warqada uu soo saaray Rw Kheyre ee ku baadi goobayo dhulalkii dowladda dhexe ay ku lahayd Xamar, isaga oo ku sheegay 1991 wixii ka dambeeyey inuusan aqoonsaneyn dowladihii ka dambeeyey maamuladoodii la xiriirey dhulalka dowladda dhexe ku lahayd Xamar.

Xukunkii Milateriga dhulalka uu dadka ka dhacay haddii Farmaajo uu sax u haysto, kii dowladda rasmiga ahaa ee isaga ka horeyeyna uu ku tilmaamay sharci darro, hadde taas waa mid muujineysaa dagaalka uu kula jiro shacabka reer Muqdisho iyo madaxdooda, waana bilow daandaansi dagaal.

Hanti dowlad dhexe ka maqan ma jirto, laakiin abaabul dagaal bilowgiisa ayaa muuqda. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa ka maqan hanti iyo naf, mana hayaan cid ay kala xisaabtamaan, sidaas daradeed madaxda dowladda dhexe marka hore ha sameyso dibuheshiisiin oo ha ogaato waxa lagu leeyahay iyo waxa ay leedahay oo ay dukumenti u haysato.

Farmaajo iyo Kheyre dalka waxey ku hogaamiyeen iney meel walba khatar dhexda ka geliyeen. Waxey Soomaaliya ku direen Qaramada Midoobey, waxey Soomaaliya cadow uga dhigeen wadamada Khaliijka, Waxay colaad Soomaaliya ugu abuureen wadamada ciidamada Amison ay ka joogaan iyadoo soo dhoweysaneysa cadowga Soomaaliyeed ee Itobiya. Waxey sidoo kale Soomaaliya ka horkeeneen Midowga Yurub iyo wadanka Ingriiska. Bal isweydiiye xagey Soomaaliya u wadaan oo uga go’doominayaan Caalamka.

Farmaajo hantidii Kacaanku ka tegey ha ka raadiyo Hargeysa, Garowe, iyo KIsmaayo, markaas kadib ha ka hadlo xisaabtanka yaala Xamar. Waxba Sooma kordhineyso liis wasiiro ka soo jeeda Xamar oo loo soo xulay in shacabka iyo madaxda Xamar lagu dhaco. Kheyre wuu ka joogsan la’yahay dibindaabyada uu ku hayo shacabka Muqdisho oo ku diidan adeega guracan ee uu u hayo Farmaajo iyo qowletsatanimada uu ku boobayo hantida dadweynaha.

Waxaan shaki lahayn waxa ay raadinayaan Farmaajo iyo Kheyre iney heli doonaan abaalmarintooda gudo iyo dibedba. Waxaa talo u baahan wasiirada loo soo xilsaaray iney sanka ka soo taabtaan madaxdii hore iyo inta ku fikirka ahayd oo sharafkooda, hantidooda, iyo aragtidooda lagu damacsan yahay in lagu burburiyo, si aysan u dhicin doorashada 2020 cid hanti iyo taageero u haysta oo aan Farmaajo iyo Kheyre ka ahayn oo goobjoog ka noqota soo gaarida xiligaas.

Warkaan waxaa bartiisa soo dhigay Siyaasiga Cabdiramaan Cabdishqkuur

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here