Somali Lagu Xiray Xuduudka Sacuudiga Iyo Yemen u dhaxeeya iyo hub lagu qabtey

Wargeyska Asharqal-awsad ayaa qoray inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha Sacuudiga qabteen Tahriibayaal Ajaaniib ah oo ay Somali ku jireen, kuwaasi oo doonayey inay ka soo gudbaan xuduudka Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Afhayeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Jeneral Mansuur Al-turki ayaa sheegay inay Ilaaladda Xuduudaha qabteen Tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 1,265 qof, kuwaasi oo doonayey inay sharci la’aan kaga so ogudbaan Degmadda Al-dayer Bani Malik ee Gobalka Jazan ee dalka Sacuudiga.

Bayaan uu Afhayeenku soo saaray ayuu ku sheegay in tahriibayaasha la qabtay kala ahaayeen 847 qof oo u dhalatay Yedmen, 309 oo u dhalatay Ethiopia iyo 16 Somali ah.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Ciiddanka toogteen 3 qof oo waxyaabaha qarxa ka soo gudbin lahaa Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Hawlgalkaasi waxaa lagu dhaawacy 2-kale, halka 30-kalena is-dhiibeen, lamana sheegin dalalka ay u dhasheen.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII