Somaliland oo Boqor Buurmadow ku eedeysay in uu Jabhad abuurtay

0

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow in uu sameystay Jabhad la dagaallanta maamulkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim, ayaa sheegay in Ciidamo taabacsan Boqor Buurmadow ay ka baxeen dhinaca SOmaliland una galeen dhinaca Puntland.

Ciidamadaas ayaa saldhig ka sameystay degaanka Xingalool ee Gobolka Sanaag,waxaana la sheegayaa in ay yihiin Jabhad uu sameystay Boqor Buurmadow.

Somaliland lafteeda ayaa dhawaan walaac ka muujisay degannaansho dowladda Imaaraadka ay siisay Boqor Buurmadow iyada oo sheegtay in dowladda Imaaraadka ay jebineyso heshiis horay u dhexmaray labada dhinac.

Ciidamada lagu eedeynayo in uu leeyahay Boqor Buurmadow ayaa noqonaya Jabhaddii 2aad ee ka hor jeedda Somaliland,waxaana horay u jiray Jabhad uu hoggaamiyo korneyl ka tirsanaa Ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Caarre.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here