Soomaaliya oo ka mid noqotay shanta dal ee Afrika ugu farxadda badan

Soomaali

Warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan Afrika dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin qaaradda.

Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ah Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco.

Baarayaasha diyaariyey warbixintan ayaa waxa ay darseen 155 dal, waxayna sheegeen in dadka ugu liita dhinaca farxada qaaradda Afrika in ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxa ku xiga Burundi, iyo Tanzania. Waddamada kale liiska meesha hoose ka galay waxa ka mid ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Warbixinta ayaa waxa lagu saleeyay su’aalo dad ka badan 1000 qof la waydiiyey inta u dhaxeysay 2014- ilaa iyo 2016-kii.

Warbixin laga soo saaray Facebook inuusan u ‘fiicnayn caafimaadka’

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo kadib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Qeybta warbixintaasi ee ka hadlaysa Afrika ayaa waxa lagu sheegay in laba waddan oo kaliya qaarada Afrika ay sameeyeen horumar dhinaca faraxa 10-kii sanno ee la soo dhaafay, wadamadaas oo kala ah, Serra Leon iyo Cameroon

Warbixinta ayaa waxa ka soo muuqanaya sawir ah in dadka Afrika ku nool badankood yihiin kuwa muujinaya rajo wanaagsan inkastoo aanay ku faraxsanayn waxqabadka xukuumadahooda. Waxay sidoo kale muujinayaan bay tiri warbixintu dhulqaad iyo adkaysi aad u xooggan

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII