Spain:-“Waxaan Xoojineynaa La Dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliyeed”

Dowladda Spain oo qeyb ka ah howl galka lagula dagaalamaayo Burcad Badeedka Soomaalida ee Atlaanta ayaa sheegtay in ay xoojineyso howlgalada ciidamadeeda badda ay ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Spain ayaa waxa ay sheegtay in hada Biyaha Soomaliya uu ka joogo markab nuuca dagaal ah oo ay saaranyahiin ilaa 53 ruux oo isagu jira ciidamo gaar ah,shaqaalaha markabka,iyo sawir qaadayaal, kuwaasi oo ay sheegtay in ay Biyaha Soomaaliya ay u joogaan Howlgalka Atlaanta.

Howlgalka Atlaanta ayaa ah howlgal ay midowga yurub  dhidibada u aastay sanadkii 2008 kaasi oo ay ku micneeyeen in ay kaga hortagaayaan Burcad Badeeda Soomaaliyeed ee ka qowleesta Badda Soomaaliyeed iyo meelaha ku dhow.

Waxayna hadafkiisu ay  ku sheegeen in uu yahay sidii loo heli lahaa marin nabad ah oo Soomaaliya loo soo maro si loo soo gaarsiiyo gargaar Bini’aadanimo, maraakiibta ganacsigana ay iskala kala gooshaan.

Hadalaka Dowladda Spain ayaa imaanaayo iyadoo dhawaanahan ay soo cusboonaadeen dhaq dhaqaaqyo kooxaha burcad badeeda soomaaliyeed ay ka wadaan Bada Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII