Suuqa Caanaha ee Magalada Boosaaso oo Xiran Kadib Lagu Arkay Waxyaabaha Qarax

Warark aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Bartamaha Magaaladaas lagu arkayo Caagag loo maleynayo in ay qaraxyo ku jiraan.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa ku harereysan halka la sheegay in uu qaraxa yaallo oo ah Aaga Isgoyska Suuqa Caanaha ee Boosaaso sida ay  sheegeen qaar ka mid ah Dadka Magaalada Boosaaso.

Ciidamada aya tan iyo Galabta daka u diidaya in ay ka agdhawaadaan Goobta looga shakisan yahay in uu yaallo qaraxa,waxaan sidoo kale la xiray goobihii Ganacsi eek u yaalla Aaga Suuqa Caanaha Magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntladn ayaa xiriir lasameynay si aan wax uga weeydiino arrintaas balse kama jawaabin taleefoonaena.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII