Taliyaha Booliska Degmada Xaafuun Oo Dilay Gudoomiye ku xigeenkii Degmadaasi

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun Maxamed Muse Bahaleey Ayaa Xili Danbe Oo Xalay Ku Geeriyoday Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaso.

Marxuumka ayaa markii hore ku dhaawacmay rasaas uu furay taliyaha saldhiga degmada xaafuun, falka waxa uu ka dhacay gudaha degmada, intaas ka dibna waxaa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaal ku yaal Magaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ilo dadka deegaanka ayaa sheegay in Taliyaha Booliska degmo xeebeedka Xaafuun ay is maan dhaafeen haweenay deeganka ah, taasi oo markii danbe dhagax la dhacday, rasaas ayuu furay taliyuhu ka dibna xabadihii ayaa madaxa ka haleeshay gudoomiyihii degmada Marxuum Bahaley AUN oo meesha aan sidaa kaga fogeyn.

Wasaarada Amniga Puntland ayaa iyana dhankeeda amartay in lasoo xiro taliyaha Booliska degmada Xaafuun ee gobolka Bari kaa oo rasaas uu furay uu ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenka degmada.

Xaalada guud ee degmada Xaafuun ayaa maanta ah mid kacsan maadama Ciidamada degmadaasi ay sameynayaan howlgalo ay xiisada degmada Xaafuun ay ku dejinayaan, wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada degmada ay ka dhax baadi goobayaan taliyaha oo loo maleynayo inuu halkaasi ka baxsaday

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII